Ma habeen walba waqti badan ku qaadataa inaad isku daydo inaad seexato, iyadoo aanay suurtoobin in aad hurdo hesho? Hurdo la’aantu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan, kasoo saameeya malaayiin qof dunida oo dhan. Laakiin maxaa sababa hurdo la’aanta, sideese loo xallin karaa? Aynu eegno sababaha dhabta ah ee ka dambeeya hurdo la’aanta iyo tallaabooyinka lagu heli karo hurdo caafimaad leh.
Waa Maxay Hurdo La’aantu?
Hurdo la’aantu waa dhibaatada joogtada ah ee ku timaada hurdo helidda, hurdo joogtaynta, ama soo toosidda waqti hore oo aanad mar kale seexan karin. waxay saamayn kartaa tamartaada, niyaddaada, iyo caafimaadkaaga guud. Hurdo la’aantu waxay noqon kartaa:
• Mid ku meel gaar ah oo gaaban (acute): Waxay socotaa dhowr maalmood ama toddobaadyo, badanaa iyadoo la xidhiidha walaaca/stresska ama dhacdo nololeed oo gaar ah.
• Mid joogto ah oo dheer (chronic): Waxay socotaa ugu yaraan saddex habeen toddobaadkii muddo saddex bilood ah ama ka badan.
Maxaa Sababa Hurdo La’aanta?
Hurdo la’aantu waxay inta badan ka dhalataa isku-darka dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin:
1. Walaaca iyo Walbahaarka (stress)
• Dhibaatooyinka shaqada, ka welwelka dhaqaalaha, ama arrimaha shaqsiga ah ayaa sababi kara inaad maskaxdaada mashquulsanaato habeenkii.
• Walaaca joogtada ah (anxiety) wuxuu ka sii daraa dhibaatada, taasoo adkeynaysa inaad nasato.
2. Caadooyinka Hurdo Xumida
• Jadwal hurdo oo aan joogto ahayn, isticmaalka aaladaha elektarooniga habeenkii, ama seexashada meel aan kugu habooneyn oo aan raaxo lahayn ayaa carqaladeyn kara nidaamka dabiiciga ah ee hurdada.
3. Hab-Nololeedka
• Cabitaanka kafeyga aadka u badan, gaar ahaan fiidkii, wuxuu saameyn ku yeeshaa hurdadaada.
• Haddii aadan maalintii jimicsi sameyn, waxay adkeynaysaa inaad dareento daal habeenkii.
4. Xanuunada Caafimaad
• Xanuunada joogtada ah, sida xanuunka dhabarka, acid reflux-ka, ama dhibaatooyinka neefsiga sida neefta oo istaagta marna socota xiliga aad hurdeyso (sleep apnea), waxay carqaladeyn karaan helida hurdo caafimaad leh.
• Daawooyinka qaar, sida kuwa daweynta niyad-jabka ama steroids, waxay sidoo kale dhibaato ku yihiin hurdada.
5. Dhibaatooyinka Dhimirka
• Niyad-jabka iyo xusuusta dhacdo murugo leh oo hore loona yaqaano post-traumatic stress disorder (PTSD) ayaa si dhow loola xiriiriyaa hurdo la’aanta joogtada ah.
Maxay Hurdo La’aantu U Tahay Dhibaato?
Hurdo la’aantu waxay saamaysaa tamartaada in ka badan inta aad modeyso, waxay caafimadkaada ku yeelan kartaa cawaaqib halis ah , oo ay ka mid yihiin:
• Nidaamka difaaca jirka oo daciifa, taasoo fududaynaysa inaad u nuglaato xanuunada.
• In ay korarto in ay kugu dhacaan cudurrada halista ah oo mudada dheer lala noolaado, sida xanuunada wadnaha, sonkorowga iwm.
• Saameyn xun oo dhanka dhimirka ah, hurdo la aantu waxey kordhisa heerarka walbahaarka iyo niyad-jabka.
• Hoos u dhaca shaqada maskaxda, waxey saameeysa xusuusta, inaad diiradda wax saarto, iyo go’aan qaadashada oo kugu adkaata.
Sidee Lagu Xallin Karaa Hurdo La’aanta?
Warka wanaagsan waa in hurdo la’aanta la daweyn karo. Halkan waxaa ku jira xeelado cilmiga ku saleysan oo kaa caawinaya inaad hurdo hesho:
1. Samee Deegaan Hurdo oo Raaxo Leh
• Ka dhig qolka hurdada mid qabow, mugdi ah, oo aamusan.
• Ku seexo sariir iyo barkimo raaxo leh oo habboon.
2. Hagaaji Jadwalka Hurdadaada
• Seexo waqti joogto ah habeen walba, oo so kac isla waqtigaas subax walba, xitaa maalmaha fasaxa.
• Samee hawlo nasasho leh ka hor intaadan seexan, sida wax akhrinta iwm.
3. Yaree Isticmaalka Aaladaha Elektarooniga
• Iska ilaali isticmaalida telefoonka, kombuyuutarrka, iyo telefishannka ugu yaraan hal saac ka hor hurdada. Iftiinka buluuga ah wuxuu carqaladeeyaa in jirkaaga soo saaro madada melatonin-ka, taas oo kaa caawisa inaad seexato.
4. Daryeel Cuntadaada
• Ka fogow kafeyga, sigaarka, iyo cunnooyinka culus xilliyada habeenkii.
• Ka
5. Samee Jimicsi Joogto ah
• Dhaqdhaqaaq jireed oo maalinle ah wuxuu caawiyaa hagaajinta wareegga hurdadaada. Si kastaba ha ahaatee, iska ilaali jimicsiga u dhaw wakhtiga hurdada.
6. La-Talin Caafimaad oo Joogto ah
• La-tasho dhakhtar caafimaad haddii hurdo la’aantu ay sii socoto. Waxa laga yaabaa inay kuu qoro daaweyn ku habboon xaaladdaada.
Goorma Loo Baahan Yahay Caawimaad Caafimaad?
Haddii hurdo la’aantu socoto in ka badan bil, si weyn u saameyso nolol maalmeedkaaga, ama ay la socoto dhibaatooyin kale oo caafimaad, waa waqtigii aad la-talin caafimaad raadsan lahayd.
Hurdo la’aantu waxay noqon kartaa mid culus, laakiin fahamka sababaha asalka ah iyo qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah waxay kaa caawin karaan inaad hesho hurdo caafimaad leh. Adiga oo hagaajinaya caadooyinka hurdada, maareynaya walaaca, oo wax ka qabanaya dhibaatooyinka hoose, waxaad heli kartaa hurdo wanaagsan oo aad subax walbana kusoo kacdo firfircooni.