Hargabka : Sababta Weligeen Ugu Heli Weyney Daawo!

Hargabka waa xanuun aad looga yaqaan dunida oo dhan, oo sannad walba saameeya malaayiin qof. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu aad u badan yahay, weli laguma guuleysan in loo helo daawo dhab ah. Maxaa arrintan sababay? Aynu eegno cilmi-baarista ka dambeysa hargabka iyo caqabadaha ka jira helitaanka daawo.

Maxaa Sababa Hargabka?

Hargabka waxaa sababa koox fayrasyo ah, waxaana ugu caansan rhinovirus. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira in ka badan 200 oo fayras kala duwan oo keeni kara calaamado la mid ah hargabka. Fayrasyadan waxay ku faafaan

Hawada (marka qof hindhiso ama qufaco).

Taabashada tooska ah ee qofka xanuunsan.

Marka fayrasku jidhka soo galo, wuxuu weeraraa neef mareenka , taasoo keenta calaamado sida cunno-xanuun, sanka oo ku xirma, qufac, iyo xummad khafiif ah.

Sababta Ugu Wayn Ee Loogu Heli La’yahay Daawo

1. Fayrasyada oo Aad U Tirobadan

In ka badan 200 oo fayras ayaa keeni kara hargab, taasoo ka dhigaysa in hal daawo oo kaliya ay ka hortagto dhammaantood mid aad u adag. Fayras kastaa wuxuu leeyahay qaab-dhismeed u gaar ah oo daaweyn guud ka dhigi kara mid aan macquul ahayn.

2. Isbeddelka Degdegga ah Ee Fayraska

Fayrasyada hargabku, gaar ahaan rhinovirus-ka, si degdeg ah ayey isu beddelaan, taasoo ka caawisa inay ka baxsadaan nidaamka difaaca jidhka, taasina waxay adkeynaysaa in daawo waara la sameeyo.

3. Xanuunka Oo Fudud

Hargabku waa mid si fudud iskaga tagaya oo aan halis badan lahayn, taasoo keentay in cilmi-baarista caafimaadku mudnaanta siiso cudurrada halista ah sida cancerka iwm.

4. Caqabado la xiriira Talaalka

In la sameeyo talaal ka dhan ah hargabka waxay u baahan tahay in la daboolo boqolaal nooc oo fayras ah, taasoo ah arrin aan sahlanayn sidoo kalana waxaa ku baxeysa qarashaad aan macqul aheyn.

Sidee ayaan u Maareenaa Hargabka?

Inkastoo aan la daaweyn karin, hargabka waxaa la xakameyn karaa calaamadihiisa:

Daawooyin aad ka heli karto farmasiga sida daawada san-qaboojiyaha iyo xanuun baabi’iyaha.

Dawooyinka gurigaaga ku diyarsan karto sida cabitaanada diiran, inaad qadato nasasho kugu filan, iyo inaad ishuuriso.

Ka hortaggida inta uusan kugu dhicin sida gacmaha oo la dhaqdo marar badan iyo in laga fogaado dadka xanuunsan.

Ma Suurtogal Baa In Daawo Loo Helo Mustaqbalka?

Horumar cusub oo laga garey dhanka cilmiga ayaa rajo soo kordhisay:

Daawooyinka ka hortagga fayraska: Cilmi-baarayaal ayaa hadda isku dayaya daawooyin ka shaqeyn kara fayrasyada badan ee sababa hargabka.

Tignoolajiyada wax ka beddelka hidda-sidaha: qalabka CRISPR oo kale waxay ka caawin kartaa in fayrasku ku tarmin jidhka.

Talaalada guud: Inkastoo ay adag tahay, waxaa socda dadaallo lagu sameynayo talaal wax ka qaban kara astaamaha guud ee fayrasyada hargabka.

Hargabka wuxuu u muuqan karaa mid fudud, laakiin cilmi-baaris adag ayuu u baahan si qoto dheer loo fahmo. Inkastoo daawo rasmi ah aan weli la helin, horumarka cilmiga laga gaadhayo ayaa laga yaabaa in mustaqbalka uu keeno guulo waaweyn. Ilaa waqtigaas, ka hortagga iyo xakameynta calaamadaha ayaa ah hababka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo cudurkan soo jireenka ah.

 

Post a Comment

Previous Post Next Post