Ku noolaanshaha nolol caafimaad leh maaha in uu noqdo mid adag, Isbeddel yar oo joogto ah oo aad ku samayso nolol maalmeedkaaga wuxuu keeni karaa horumar weyn oo ku saabsan caafimaadkaaga guud.
Halkan waxaan kula wadaagayaa 10 caado oo fudud oo kaa caawinaya inaad noloshaada ka dhigto mid caafimaad leh oo dheellitiran.
1. Biyo kugu filan Cab
Jirkaagu wuxuu u baahan yahay biyo si uu u shaqeeyo si habboon.
• Ku dadaal inaad cabto 8 galaas oo biyo ah maalintii, gaar ahaan haddii aad ku nooshahay meel kulul
• Ku bilow maalintaada hal galaas oo biyo ah ka hor intaadan cabbin shaah ama kafeega.
2. Cun Cuntooyinka Dabiiciga ah
Kusoo dar khudaarta, miraha, digirta nocyadeeda kala duwan, iyo borotiinno caafimaad leh cuntadaada.
• Ka fogow cuntada la farsameeyey iyo kuwa sokorta badan leh sida ugu macquulsan.
• Adeegso qaanuunka 80/20: 80% cun cunto caafimaad leh oo u oggolow 20% naftaada in ay nafisto .
3. Si Joogto ah u Jimicso
Jimicsiga waa u muhiim caafimaadkaaga maskaxda iyo jirka labadaba.
• Ku bilow 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalintii, sida socod, yoga, ama baaskiil wadow iwm.
• Haddii aad mashquul tahay, u kala qaybi waqtiyadaas saddex jeer oo 10 daqiiqo ah.
4. Qaado Hurdo Kugu Filan
Hurdo ku filan inaad qadato ayaa jidhkaaga ka caawineysa inuu is hagaajiyo oo tamar fiican ku siiyo.
• Ku dadaal inaad hurdo hesho 7–9 saacadood habeenkii.
• Samee hab-raac hurdo, sida inaad ka fogaato shaashadaha mobile yada iyo tv yada saacad ka hor intaadan seexan.
5. Maskaxdaada Xasili
Inaad wakhti siiso inaad diirada saarto waxa tagan waqti xaadirkan oo aadan ka fikirin waxyaabo aan dhicin waxay hoos u dhigtaa walbahaarka waxayna ka qeyb qadataa caafimaadka maskaxdaada.
• Qaado 5–10 daqiiqo maalintii si aad u fikirto si degan, neefsashada qoto dheer, ama wax qorista.
• Maskaxdaada inaad xasiliso waxay kaa caawineysaa inaad ka adkaato caqabadaha maalinlaha ah
6.Shaashadaha Waqti Yar Ku Qaado
Isticmaalka shaashadaha badan wuxuu keeni karaa daal indhaha ah iyo yaraansho ku yimada tamartada.
• Xadid waqtiga aad ku qaadanayso baraha bulshada iyo TV-ga.
• Samee nasasho ku saleysan qaanuunka 20-20-20: fiiri shay 20 fiit kaa fog 20 ilbiriqsi 20-kii daqiiqoba mar.
7. Maskaxdaada U Dadaal
Caafimaadkaaga maskaxeed waa muhiim sida jirkaaga oo kale.
• La wadaag saaxiib aad ku kalsoontahey ama dhaqtar caafimaad haddii aad dareento walbahaar.
• Samee waxyaabo kuu keena farxad, sida akhriska, sawirista, ama in aad wakhti kusoo qadato bannaanka.
8. Si Fikir Leh U Cun
Niyadaada sii waxa aad cunayso iyo sida aad u cunayso.
• Ka fogow inaad cuntada cunto adigoo shaashad kor fadhiyo(mobile/tv), si aad diirada u saarto cuntadaada.
• Si tartiib ah u calali oo ku raaxayso macmacaanka cuntada, si aad uga hortagto inaad si degdeg wax badan u cunto.
9. Xidhiidhadaada Daryeel
Xidhiidhada wanaagsan waxay xoojiyaan dareenkaaga wanaagsan.
• Wakhti la qaado qoyskaaga iyo saaxiibbadaada.
• Hagaaji habdhaqankaada iyo xiriirada aad la ledahey bulshada.
10. Naftaada Waqti Si
Is-daryeelitaanka waa u muhiim naftaada si aad u dareento farxad iyo caafimaad.
• Waqti u samee hiwaayadahaaga, nasashada, ama barashada wax cusub.
• Xusuusnow, daryeelka naftaada wuxuu kuu ogolaanayaa inaad u daryeesho dadka kale si ka wanaagsan.
Hirgelinta caadooyinkan 10-ka ah waxay u muuqan karaan kuwo yar, laakiin marka si joogto ah loo sameeyo waxay noloshaada u rogi karaan mid caafimaad leh. Ku bilow hal ama labo caado, kadibna si tartiib ah ugu dar inta kale.