Xanuun Kaankarada (cancer) iyo Soomaliya.

Cudurka Kaankarada ama Cancer waa xanuun keensada isbadal ku dhaca unugyada jirka kuwaas oo ka gadooda habka unugyada caadiga u noolaadaan u tarmaan iskuna baab'iyaan oo dabadeedna isku badala Tumor , isbadalkaas ku maca unigyada , tarankooda qaloocsama iyo faaiftaanka ayaana keensada inay weeraraan xubnaha jirka u muhiimka ah sababana calaamado xanuun ah kadibna sababi kara dhimasho. 



Aduunka waa cudurka koowaad ee hogaamiya dhimashada sanadka 2020 waxaa la diiwaan galiyay inay u dhimatay 10 Million aduunka sida ay hay'ada Caafimaadka aduunka ee WHO sheegtay balse tiraa Intaas ka badan laba jibbaar ayaa ka bogsatay oo ka reesatay gabi ahaan xanuunka cancerka sandkaas 2020. 

Xanuunka cancerka waxa si toos ah u sababa ama keeni kara lama oga waxaase lala xiriirya wax yaabo badan oo la xiriira hab nololeedka sida cabista sigaark, isticmaalka khamriga , miisaanka jirka , caabuqyada gaar , arrimo hida sidayaasha la xiriira iyo wax yaabo kale oo intooda badan ku xeeran hab nololeedka qofka. 

Soomalida iyo xanuunka cancerka. 

Ma jirto data ama xog rasmi ah oo la xiirta tirada soomalida ee bukoota xanuunkaan , diraasado baahnsan oo laga sameeyay iyo tirada u dhimata xanuunka cancerka ee soomalida balse waxaa la qiyaasaa kororka ku yimid dadka la nool xanuunka iyo kuwa uu sanad walba soo rito iyo noocyada cancerka ee badanaa soomalida ku dhaca. 

Waxaa la ogyahay in 20 sano ee u danbeesay ay korortay tirada dadka Soomalida ah ee uu ku dhaco xanuunkaan gaar ahaan cancerka beerka, dhuunta, caloosha , Naasaha , afka minka iyo mindhicarrada kuwaad oo intooda badan la ogaanayay markay marayaan heerka afaraad oo ayaa ka gudbaan xayndaabka uu ka bilaawday kuna faafaan jira intiisa kale. 

Soomalida xanuunka cancer ka waxay ka aaminsantahay cudur aan laga reesan oo qof kasta oo uu ku dhaco uu u dhinto taasna maahan mid sax ah oo waxaa jira dad badan oo ka kacay xanuunkaan ilaahayna ka bad baadiyay.

Waxa ugu muhiimsan ee in la ogaado ay tahay ayaa in xilli hore la ogaado xanuunka ay dadajinayso daawada baajinaysa bukooshada daran iyo in loo dhinto , sidoo kale in la hagaajiyo nadaamka cuntada (diet) cunista cunnada fresh ka ah , ka warqabka jirka iyo iska ilaalinta wax yaabaha badali karo unugyada jirka sida tubaakada iyo alcohol wa wax yaabaha looga hortago xanuunada cancer ka. 

Hadaba waxaan fariintaaan uga gol leeyahay in aan dadka Soomalida ah ku baraarujiyo in xanuunka cancer laga bogsan karo la daaween karo aysan macneheeda ahayn in qof walba oo uu ku dhaco xanuunka cancer u dhimanaayo. 

Sidoo kale inay muhiim tahay in dhaqso la iska baaro xanuunka la joogteeyo check upka qof kasta oo isku arka xanuun uusan isku ogeen ay noqoto cida uu la tashanaayo dhaqtarka aqoonta leh xaaladahaas. 

Aan ku dadaalno ka war qabka jirkeena kuna dadaalno in xaaladeena la socodsiino dhaqtarka haday wax aan caadi ahayn nagu soo kordhaan.

Dr mahmad abukar

Post a Comment

Previous Post Next Post