Sidee si dabiici ah adigoon dhakhtar la kulmin isaga yareen kartaa madax xanuunka

 Madax xanuunka waa mid kamid ah xanuunada joogtada ah ee bulshada laga dhex helo kuna soo noqnoqda, oo haddii la weydiiyo qofka kasta nolashiisa madax xanuun waa uu soo maray ama hadda ayuu hayaa🤕🤕. 



Haddaba sidee si dabiici ah adigoon dhakhtar la kulmin isaga yareen kartaa:

1. Biyo badan cab sababta oo ah oonka jirkaaga ka jira wey kugu keeni kartaa madax xanuun. 

2. Qaado maadada magnesium oo ah maado saameen ku leh yareenta madax xanuunka gaar ahaan nooca migraine cananaaska iyo muuska waa meelaha laga helo. 

3. Seexo hurdo kugu filan weliba qol mugdi ah oo sawaxanka ku yar yahay, iyadana waxay kaa caawinaysaa yareenta Madax xanuunka kugu soo noqnoqda. 

4. Isticmaal Saliidaha dabiiciga adigoo si hagaagsan madaxa u marsanaya, waxaa ugu fiican saliidda oil live haddii ay asal tahayna wax badan kaa yareenaysa; Saliido kale oo geedo dabiici ah laga sameeyey ayaa jira oo iyana aad u fiican. 

5. Qaado Vitamin B-complex waxayna yareenaysaa madax xanuunka. 

6. Adeegso massage adigoo weliba sidoo kale ku cadaadinaya wax qabow madaxa, iyana waxay yareeyaan madax xanuunka kugu soo noqnoqday. 

7. Shaaha ama coffe oo la cabaa saameen ayey ku leedahay yareenta madax xanuunka. 

Noocyada madax xanuunka ee Migraine iyo Tension headache waa noocyada ugu badan ee dadka ku soo noqnoqda. 

Haddii aad waxba isaga garan weydo, waxaa la xiriirtaa dhakhtar neerfo ama dhakhtar guud si bal loo sii ogaado; sababta dabadeedna loo daweeyo. 


Dr. Dayib Abdulkadir Mohamud.

Post a Comment

Previous Post Next Post