5 dabeecadood oo hadii aad ledahay aad qatar ugu jirto xanuunada wadnaha

Sanad walba dad faro badan ayaa u geeriyooda xanuunada ku dhaca wadnaha ayagoo anan ogeyn waxa ku sababey!

Qof wadnaha xanuunayo

Hadaba halkaan waxaa kula wadagayaa 5 dabecadood oo hadii aad ledahey qatar ugu jirto in ay kugu imadaan xanuunada wadnaha ku dhaco

1. Cunista sokorta faraha badan

● Cuntada ay ku badantahay Sonkorta ama  baruurta iyo cusbada hadii aad badsato ayaa siyaadinaya khatarta ay kuugu dhici karaan xanuunada wadnaha ee halista ah.

2. Cayilka faraha badan

● Hadii miisaankaadu uu badanyahay aadna buurantahay siiba uurku jirtaadu hadii ay baruur badan leedahay waxaad khatar weyn ugu jirtaa in ay kugu dhacaan xanuunada wadnaha ee halista ah.

3. Stress said ah

● Hadii aad tahay qof Stress badan ama murugo iyo welwel badan aadna u fikira waxa uu dhaawac badan soo gaarayaa caafimaadkaada guud ahaan siiba wadnahaaga.

4. Jimicsi la aanta

● Hadii aadan jimicsi sameyn oo aad tahay qof inta badan iska fadhiya ama socon waxaa khatar ku jira guud ahaan caafimaadkaada siiba wadnaha, mar walba oo jimcsigaadu yaraado waxaa siyaadaya miisaankaada hadii miisaankaadu siyaadana waxaa wajahaysa dhibaatooyin caafimaad.

5. Isticmaalka mandooriyayaasha

● Wadnahaagu khatar ayuu kujiraa hadii aad isticmaasho Sigaarka iyo tubaakada iyo dhamaan walxaha laga sameeyo, sigaarku 30% dadka ay ku dhacaan xanuunada wadnaha isaga ayaa sababa.

6. Dhafarka faraha badan

■ hadii aad dhafarto oo aadan habeebkii inbadan seexan waxaad wajahaysa xaalad khatar ah oo ay kuugu dhici karaan mustaqbalka xanuunada wadnaha,

Dhamaan dhibaatooyinka aan kasoo sheekeeyey ma ahan kuwa aad hada si deg deg ah u wajihi karto ama aad calaamadahooda u arki karto ee waxa aad wajihi kartaa marka aaad weynaato, waxaa sidoo kale macquul ah yaraanta in aad ku aragto calaamadaha xanuunada wadnaha.

Hadii aad dabeecadahaan leedahay oo aad wax kabadasho waxaad hagaajinaysaa caafimaadka wadnahaaga ee fadlan iska jooji.





Post a Comment

Previous Post Next Post